#Andres Iniesta Oo Ay ku Adkaatey In uu La Qabsado Horyaalka Japan

9

- Advertisement -

Xidiggii hore ee kooxda Barcelona ee waddanka Spain, Andres Iniesta ayaa sheegay in ay aad ugu adkaatay inuu la qabsado kooxdiisa Vissel Kobe ee waddanka Japan.

- Advertisement -

Iniesta oo 34 jir ah ayaa ka soo tagay Spanish-ka kaddib Koobkii adduunka ee 2018, wuxuuna xusay in isaga iyo qoyskiisu ay ku adkaatay inay la qabsadaan nolosha Japan maadaama uu xusay in ka dhaqan duwan yihiin waddankiisa.

“Waxaan qirayaa in lixdii bilood ee iigu horreysay Japan aysan fududeyn dhanka Isboortiga iyo dhanka qoyskaba” ayuu Iniesta u sheegay Esquire, ka hor furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka J-League ee Japan.

Inkastoo Iniesta uu sheegay inuu haatan xoogaa la qabsaday jawiga Japan, hadda wuxuu caddeeyay in kooxdiisa Vissel ay aad u kala duwan yihiin kooxdii uu noloshiisa inta ugu badan kusoo qaatay ee Barcelona.

“Kaddib 6 ama 7 guuldarro oo nagu dhacday tan iyo markaan halkan imid haddana waxaan aad ula yaabay sida taageerayaashu natiijadaas u aqbaleen” ayuu yiri Iniesta.

Xidiggii hore ee Spain Iniesta ayaa sheegay inuu haatan qaato cashirrada luqadda Japanese-ka laba jeer isbuucii, isla markaana haatan ku tiirsan yahay Tarjumaankiisa oo uu u bixiyay “Nolol badbaadiyihiisa’.

Andres Iniesta waxaa kooxda Vissel ay wada joogaan saaxiibkiisii hore ee xulka Spain, David Villa, waxaana kulanka ugu horreeya ee Vissel ee xilli ciyaareedka cusub ay dhammaadka bishan la ciyaari doontaa Cerezo Osaka.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More