Andrea Pirlo Oo Sheegay MAGACA Tababaraha Tusaalaha U Ah Ee
Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa shaaca ka qaaday macalinka uu doonayo inuu waayihiisa tababarenimo tusaale uga noqdo isaga oo jagadaas ku maamuusay hormoodka Manchester City ee Pep Guardiola.
- Advertisement -
Pirlo oo 41 sano jir ah isla markaana bishii August loo magacaabay tababaraha Juventus usbuuc kaddib markii tababaraha da’yarta 23 sano jirada ah ee kooxdaas loo magacaabay ayaa Guardiola ku sifeeyay inuu yahay mid kamida kuwa ugu fiican.
Magacaabista Pirlo ayaa xigtay kaddib markii shaqada laga caydhiyay Maurizio Sarri oo horyaalka kula soo guuleystay Bianconeri balse awoodi waayay inuu meel fog ka gaadhsiiyo Champions League.
Haatan Pirlo ayaa aaminsan in Guardiola uu tusaale u yahay tababarayaasha da’yarta ah kaddib wakhtigii guusha ahaa ee uu kusoo qaatay Barcelona horraantii waayihiisa tababarenimo.
Andrea oo UEFA u warramaya ayaa yidhi “Guardiola dhammaantayo ayuu tusaale noo yahay, isagu waa mid kamida kuwa ugu wanaagsan”
“Wado ay hore ugu socdaan ayay siinaysaa tababarayaasha yar yar kuwaas oo doonaya inay hirgeliyaan hab cayiman oo kubad weerara ah”
“Midkasta oo naga mid ahi waxa uu qabaa fikradihiisa u gaarka ah waxaana uu doonayaa inuu hore usii wado, laakiin isagu hubaashii waxa uu hormood u yahay dhammaan dhaq-dhaqaaqyada kubadda cagta”