AKHRISO: Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Ay

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.

Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Jimce ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:

Manchester Metropolis ayaa diyaar u ah in Manchester iyo Chelsea ay ka hor qaaddo weeraryahanka reer England ee Harry oo sheegay in Tottenham aanay ka joojin karin inuu iskaga tago xagaagan. (Star)

Ciyaaryahanadda Tottenham ayaa la sheegay in ay layaabeen go’aanka Harry Kane sida caddaanka ah ugu dhawaaqay ee ah inuu doonayo bixitaan. (Mirror)

Weeraryahanka reer Wales ee Gareth Bale oo 31 jir ah, waxa uu doonayaa in uu sii kordhiyo heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo Tottenham haddii uu Harry Kane ka tago. Laacibkan ayaa Spurs yimid xagaagii isagoo amaah kaga yimid Actual Madrid. (AS)

Arsenal waxay dardar gelisay dedaalka ay ku doonayso saxeexa 24 jirka khadka dhexe ee Emiliano Buendia oo u dhashay waddanka Argentina una ciyaara Norwich Metropolis, si uu ugu beddelo Martin Odegaard oo dhamaadka xilli ciyaareedkan dib ugu noqonaya kooxdiisii Actual Madrid ee uu amaahda kaga yimid. (Mail)

Manchester Metropolis waxay go’aansatay in ay heshiis waqti dheer ah u bandhigto weeraryahanka reer England ee Raheem Sterling oo 26 jir ah. (Telegraph)

Tottenham ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo tababaraha Leicester Metropolis ee Brendan Rodgers, haddii ay Foces ku guul-darraysato in ay usoo baxdo Champions League, iyadoo labada kooxoodna wada ciyaaraya Axadda. (Solar)

Tottenham waxay iibin doontaa laacibkeeda khadka dhexe ee Pierre-Emile Hojbjerg haddii ay helaan dalab u laban-laabaya lacagtii ay hore ugu soo iibsadeen 25 jirkan oo ahayd £15 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan in ay ku iibinayaan £30 milyan oo Gini. (Soccer Insider)

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ‘aad u xiisaynaya’ saxeexa 25 jirka reer Germany ee difaaca uga ciyaara Bayern Munich ee Niklas Sule. (Abendzeitung)

Manchester United waxay u caddaysay FC Nordsjaelland in ay diyaar u yihiin in ay iibsadaan, kana hor-qaadaan Ajax weeraryahanka reer Ghana ee Kamaldeen Sulemana oo 19 jir ah. (Soccer Insider)

Garabka weerarka kooxda Wolves ee Adama Traore oo 25 jir ah, horena loola xidhiidhinayay Liverpool iyo Barcelona ayaa kooxdiisa la bilaabay wada-hadallo uu heshiiska ugu kordhinayo. (Objective)

Heshiiska xorta ah ee Sergio Aguero uu ugu wareegayo Barcelona ayaa la dhamaystiray 80% (boqolkiiba siddeetan), waxaanu tijaabada caafimaadka mari doonaa marka ay soo dhamaato ciyaarta finalka Champions League ee Might 29 ee Man Metropolis vs Chelsea. (Mundo Deportivo)

Weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo 27 jir ah, ayaa sheegay in aanay qasab ahayn in uu Barcelona ku biiro marka uu ka tago Lyon dhamaadka xilli ciyaareedkan. (L’Equipe)

Goolhayaha Juventus kasii tegaya ee Gianluigi Buffon oo 43 jir ah, waxa uu sheegay in uu go’aan ka gaadhayo in gebi ahaanba uu ciyaaraha ka fadhiisto dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin uu haddana diyaar u yahay tartan kale oo waalli ah. (Rai Sport)

Leicester waxay qarka u saaran tahay in ay dhamaystirto heshiiska laacibka khadka dhexe ee Boubakary Soumare oo 25 milyan oo Euro ay kagala soo warayso Lille. 22 jirkan ayaa u dhashay Faransiiska, waxaanu saxeexayaa afar sannadood oo qandaraas ah. (Julien Laurens)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More