AKHRISO: Qiimaha Waallida Ah Ee Lagu Iibinayo Tigidhka Daawashada

Qiimaha tigidhada finalka Euro 2020 ee Axadda ayaa cirka isku shareeray, waxaana mar horeba lagu kala tegay iibsiga tigidhada caadiga ah ee ay UEFA ugu talo-gashay taageereyaasha, taas oo keentay in dad hore u iibsaday tigidhadu ay dib usii iibiyaan.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Wembley ee caasimadda Ingiriiska ee London ayaa waxa tigidhada dib loogu sii iibinayaa qaab Online ah, waxaanay ka baxeen xadkii suurtogalka ahaa ee uu qof iibsan karayay.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, dhamaan tigidhadii UEFA u qoondaysay taageereyaasha ayaa la wada iibsaday, mana jiraan wax baaqi ah oo la heli karayo, taasina waxay ku kalliftay dadkii hammuunta u qabay ciyaarta inay raadsadaan dad hore u goostay tigidhka oo dib usii gadaya.

Ciyaartan oo garoonka Wembley ay ka daawan doonaan 60,000 qof sabab la xidhiidha Fayraska Korona darteedna loo soo yareeyey qaadka garoonka oo caadiyan ah 90,000 qof, waxa dukaamada Online-ka ah ee tigidhada lagu kala iibsado ay marayaan heer ka baxsan intii la filayay.

Qiimaha tigidhka daawashada kulankan ayaa maraya £50,000 Gini, waana tigidho hore ay dadka qaarkood ugu goosteen qiime jaban balse ay tobannaan kun ka faa’iidayaan.

Shabakadda Ticombo oo ah barta lagu iibinayo tigidhada dib loosii gadayo, ayaa waxa ku jira laba qiimeyow oo halkii tigidh ah, waxaanu midka jaban uu yahay £40,000 Gini, halka qaybaha qaaliga ah ee garoonkana halkii tigidh ay ku iibinayaan £50,000 Gini.

Marka qiimahan la barbar-dhigo midka UEFA ee rasmiga ahaa ee ay tigidhada ku iibisay, waxa kuusoo baxaya farqi waalli ah. Qiimaha UEFA ku iibinaysay ayaa u dhexeeyey £81 Gini illaa £808 Gini.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More