Akhriso: Jawaabta Uu Bixiyey Erling Haaland In Chelsea 175 Milyan Oo

Weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa la weydiiyey haddii uu la socdo wararka sheegaya in Chelsea ay 175 milyan oo Euro ku doonayso xagaagan, waxaanu sheegay in wakiilkiisa aanay beryahan wada hadal oo aanu arrintaas waxba ka ogeyn.

Chelsea ayaa raadinaysa weeraryahan dhaliye fiican ah oo ka caawiya inay difaacan karto Champions Legue oo ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay iyo inay hanato horyaalka Premier League.

Tababare Thomas Tuchel ayaa markii ay kooxdiisu hanatay koobka, waxa uu ballan-qaaday in uu kusoo kordhin doono weeraryahan dilaa ah, laakiin illaa hadda kuma guuleysanin in uu keeno ciyaartoy afka hore ah, halka uu iyaga ka tegay Olivier Giroud.

Erling Haaland ayaa ahaa ciyaartoyda sida weyn loola xidhiidhinayo, waxaanu ahaa bartilmaameedkooda koowaad, hase yeeshee ma muuqato saansaan ay Blues ku heli karayso xagaagan.

Si kastaba, Erling Haaland ayaa isaguna sheegay in aanu waxba kala socon sheekada Chelsea iyo lacagta ay ku doonayaan midkoodna.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ayuu yidhi: “Shalay ka hor lamaan hadal wakiilkayga muddo bil ah, sidaa darteed, idinka ayaa ii sheegay, markaa jawaabtana idinka ayaa la idinka doonayaa [wariyeyaasha].”

Intaas kaddib, waxa uu Haaland bixiyey jawaab la xidhiidha dalabka 175-ka milyan ee Euro, waxaanu yidhi: “Waxa aan rajaynayaa in kaliya ay ku-tidhi-kuteen tahay, 175 milyan oo Euro na waa lacag aad uga badan hal ciyaartoy.

“Saddex sannadood ayaa ka hadhay qandaraaskayga; waxaanan ku raaxaysanayaa noloshayda halkan [Borussia Dortmund].”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More