#Akhriso; Isku Aadka wadamada ka qeybgalaya tartanka Qaramada Afrika

78,612

- Advertisement -

Isku aadka dalalka ka qeybgalaya Tartanka qaramada Afrika ayaa caawa lagu qabtay dalka Masar oo martigelinaya sanadkan tartankan.

- Advertisement -

Tartankan oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa markii ugu horeysay ka qeybgalaya 24 dal iyadoo loo qeybiyay lix guruub oo min afar dal ay ku jiraan.

Wadanka martigelinaya tartankan ee Masar ayaa ku beegmay dalalka Dr Congo,Uganda iyo Zimbabwe.

Tatankan ayaa bilaaban doona 21 June isagoo socon doona illaa 19 July ee sanadkan. Ciyaartoyda ka ciyaarta qaarada Yurub ayaa fursad u heli doona inay tartankan ka qeybgalaan maadaama aysan jirin ciyaaraha Yurub mudada uu tartankan soconayo.

Ciyaarta ugu horeysa ayaa waxaa ku wada ciyaari doona garoonka magaalada Qahira 21ka bisha June dalalka Masar iyo Zimbabwe waxaana la filayaa in Mohamed Salah oo u ciyaara kooxda Liverpool uu dalkiisa u safan doono.

Akhriso; Guruubyada ay ku ciyaari doonaan kooxaha ka socda qaramada Afrika

Group A: Egypt, DR Congo, Uganda, Zimbabwe
Group B: Nigeria, Guinea, Madagascar, Burundi
Group C: Senegal, Algeria, Kenya, Tanzania
Group D: Morocco, Ivory Coast, South Africa, Namibia
Group E: Tunisia, Mali, Mauritania, Angola
Group F: Cameroon, Ghana, Benin, Guinea-Bissau

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More