AKHRISO: 9 Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Manchester United & Liverpool,

Manchester United iyo Liverpool ayaa garoonka Outdated Trafford ku ballansan kulan ay wax badan kaga xidhan yihiin Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa oo haddii ay guuleysan waayaan ay si dhab ah u xaqiiqsanayaan in ay ka ciyaari doonaan Europa League xilli ciyaareedka dambe.

Manchester United ayaa sidoo kale, haddii laga badiyo, waxay taasi soo dedejin doontaa in Man Metropolis ay isla maanta ku guuleysato horyaalka Premier League iyadoo guryahooda joogtana bathroom xaqiijin doono.

Xaqiiqooyinka kulankaManchester United hal mar oo kaliya ayay guul-darraysatay 15kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee  ee ay Liverpool kula ciyaartay Outdated Trafford, waxaanay badisay 10 mar iyo afar barbarro ah. Liverpool ayaan wax guul ah ka helin siddeeddii kulan ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada ee ay tagto Outdated Trafford, waxaana ugu dambaysay March 2014 in ay guul kasoo hesho.Liverpool laba ciyaarood oo isku xiga guul-darro kalama kulmin Manchester United tan iyo xilli ciyaareedkii 2014/15, markaas oo afar ciyaarood oo isku xiga ay Man United ka badisay.Manchester United waxay ka badbaadday guul-darro labadii kulan ee xilli ciyaareedkan ay ka hor tagtay Liverpool, iyadoo marna guuleysatay marna barbarro gasho, waana markii ugu horreysay ee ay saddex jeer ka hor yimaaddaan Liverpool ee aanay guul-darro la kulmin tan iyo xilli ciyaareedkii 1998-99 oo laba mar ay badiyeen marna ay barbarro galeen.Horyaalka Premier League, Manchester United hal mar oo kaliya ayay guuleysatay sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey ee ay Liverpool iska hor yimaaddeen. Lix barbarro ah iyo laba laga badiyey ayay ku dhamaysteen. Shan ciyaarood oo isku xiga ayaanay guul helin, waana laba laga badiyey iyo saddex barbarro ah. Waqtigii ugu dheeraa ee Man United ay guulo ka weydo Liverpool waxa uu ahaa muddadii u dhaxaysay December 1989 illaa October 1992 oo toddoba ciyaarood oo isku xiga aanay wax guul ah ka helin Liverpool.Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan barbarraysay toddoba kulan oo ay ku dhamaysatay 0-0. Kaliya xilli ciyaareedkii 1980-81 oo ay siddeed kulan barbarro goolal la’aan ah gashay ayaa ka badnaa. Pink Devils waa kooxda ugu badan ee barbarro goolal la’aan ah gashay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.Manchester United waxay heshay 28 dhibcood iyadoo kubadda laga hayso xilli ciyaareedkan, kaliya Newcastle oo 34 dhibcood heshay xilli ciyaareedkii 2001-02 ayaa iyadoo laga gacan sarreeyo heshay dhibco ka badan kuwa United.Liverpool ayaa guuleysatay shan ka mid ah toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay bannaanka kusoo ciyaartay, labada kulan ee kalena mar laga badiyey iyo mar la barbarreeyey ayay ahaayeen. Waa dhibco ka badan intii ay garoomada martida kasoo heleen 15kii kulan ee ka horreeyey, kuwaas oo kusoo dhamaaday afar guulood, lix barbarro ah iyo shan laga badiyey.Tababare Jurgen Klopp waxa uu rikoodhka guulaha ugu badan ee martida ka haystaa Manchester United oo 12 jeer oo uu Outdated Trafford ugu tegay uu lix kasoo badiyey, afar barbarro lasoo galay, labana laga badiyey.Mohamed Salah ayaa laba gool ka dhaliyey Manchester United kulankii FA Cup ee xili ciyaareedkan ee 3-2 ay United ku badisay. Waa ciyaartoygii ugu horreeyey ee Liverpool ah ee laba ciyaarood min laba gool ka dhaliya United oo joogta Outdated Trafford muddo 100 sannadood ah. Waxa u dambeeyey Harry Chambers oo xilli ciyaareedkii 1992-21 laba ciyaarood min laba gool ka dhaliyey.

Xogta kulanka

Kulanka: Manchester United vs Liverpool

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 6:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Outdated Trafford

Wararkii u dambeeyey ee labada kooxood

Manchester United ma jiro walaac cusub oo dhaawacyo ah oo kusoo kordhay ka hor kulanka Liverpool ee maanta. Anthony Martial iyo Phil Jones ayaa dhaawacyo jilibka ah ku maqan.

Dhinaca Liverpool ayay jiraan dhaawacyo badan, waxaana kulankii saddexaad oo xidhiidh ah maqnaanaya difaaca Nat Phillips, taas oo ka dhigan in Fabinho uu difaaca kala ciyaari doono Ozan Kabak.

Waxa kale oo Liverpool ka maqan Divock Origi oo dhaawac muruqa ah qaba, Jordan Henderson, Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Manchester United: Henderson; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Fred, McTominay; Rashford, Fernandes, Pogba; Cavani

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Fabinho, Kabak, Robertson; Thiago, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane; Jota

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More