Afarta Xul Oo Waa Weyn Isagu Soo Haray Semi-finalka Koobka

3

Xulalka Talyaaniga iyo Belgium ayaa caawa kula biiray xulalka Spain iyo France semi-finalka UEFA Nations League oo kulamo xamaasad iyo xiiso badan ay ka soo bixi doonaan.

Talyaaniga oo u baahnaa guul si uu uga soo baxo Group 1 ayaa 2-0 waxay caawa kaga badiyeen xulka Bosnia. Waxay guusha uga mahadcelinayaan goolal ay u kala dhaliyeen Andrea Belotti iyo Domenico Berardi oo labadii qeyb ee ciyaarta goolal kala dhaliyay.

Natiijada Talyaaniga waxay waxba kama jiraan ka soo qaaday guushii ay Netherlands ka gaareen xulka Poland iyagoo uga badiyay Poland.

Holland ay gool looga hormaray waxay ku bedeshay labo gool oo ay u kala saxiixeen Memphis Depay iyo Gini Wijnaldum.

Belgium ayaa iyagana ka soo baxay Group 2 iyagoo u baahnaa kaliya barbaro laakiin guul 4-2 ayay ka gaareen xulka Denmark oo ay martigeliyeen.

Youri Tielemans ayaa hogaanka u dhiibay xulka Red Devils ka hor inta aysan u shabaqa u soo taabanin Romelu Lukaku oo labo gool dhaliyay iyo Kevin de Bruyne oo goolka afaraad saxiixay.

England oo ku jirtay Group 2 ayaa guul ku soo xirtay laakiin waa ay ku guuldareysteen inay u soo gudbaan semi-finalka iyagoo caawa 4-0 kaga badiyay Iceland.

Declan Rice iyo Mason Mount ayaa labo gool u dhaliyay England ka hor inta aan Iceland casaan loo taagin bilowgii qeybta labaad iyadoo Phil Foden uu labada gool kale saxiixay.

Afarta xul ee isago soo haray afar dhamaadka UEFA Nations League

Italy

Belgium

Spain

France

Waxaa afar dhamaadka la ciyaari doonaa bisha October ee sannadka soo socda ee 2021, isku aadka iyo wadanka martigelin doona finalka weli lama shaacinin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More