AC Milan oo wadahadalo adag kula jirta Chelsea si ay kaga hesho

(Milano) 01 Luulyo 2022. AC Milan ayaa bilowday wadahadalo ay heshiis amaah ah kula soo saxiixaneyso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech.

Milan ayaa lagu soo waramayaa inay dib u kicisay wadahadaladii ay kula jirtay Chelsea si ay ula soo saxiixato xiddiga garabka ka ciyaara ee Hakim Ziyech.

29-sanno jirkaan ayaa bartilmaameed dheer u ahaa kooxda heysata horyaalka Seria A, laakiin si ka duwan sidii hore, Rossoneri ayaa haatan kalsooni ku qabta inay soo xerogelin doonto bartilmaameedkeeda.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa Chelsea ugu soo biiray 2020 adduun dhan 33 milyan ginni isagoo kaga soo biiray Ajax, laakiin kaliya labaddii sanno ee ugu horreysay qandaraaskiisa shanta sanno ah, wuxuu helay fursad yar oo safasho ah.

Ac Milan ayaa hadda lasoo sheegayaa inay wadahadalo adag kula jirto Blues oo ku saabsan heshiiska Ziyech, sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb.

Isla warbixinta ayaa soo jeedinaysa in Chelsea ay doonayso inay iska ilaaliso inay lumiso xiddigaan 33-da milyan kufadhiya waxaana la sheegay inay door bidi lahaayeen heshiis amaah ah inay ku diraan

Qandaraaska Ziyech ee ka badan 5 milyan ginni xilli ciyaareedkii ayaa la sheegay inuu abuurayo walaac, laakiin labadda dhinacba waxay eegi karaan inay xal u helaan.

Waxaa la rumeysan yahay in xiddigii hore ee Ajax uu doonayo inuu soo gaba gabeeyo waqtigiisa London iyadoo wakiilkiisa uu horay ula soo xiriiray Milan si uu u dhaqaaqo.

Weeraryahanka reer Morocco ayaa dhaliyay 14 , 83 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu kooxda yimid, si kastaba ha ahaatee, waxa uu ahaa mid fursadda uu helayo ay aad u yartahay, isagoo xilli ciyaareedkii horre ka soo kacay kursiga kaydka13 jeer kulmmada Premier League-ga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More