AC Milan Oo Si Weyn Isku-dhisaysa, Xiddigii Saddexaadna Lasoo

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa si firfircoon uga adeeganaysa suuqa iibka ciyaartoydan, waxaanay toddobaadkan gudihiisa xaqiijisay xiddigii saddexaad ee ay lasoo wareegtay.

Milan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis afar sannadood ah la gaadhay difaaca reer Ivory Coast ee Fode Ballo-Toure oo ay kasoo iibsatay Monaco, kaas oo lagu soo bandhigay garoonka Giuseppe Meassa/San Siro Stadium isagoo loo xidhay lambarka 5.

Laacibkan ayaa joogi doona Milan illaa sannadka 2025, waxaanu heshiiskiisu yimid xilli aanay kooxdu ka nasanin soo bandhigistii Olivier Giroud oo ay kala soo wareegeen AC Milan.

Ballo-Toure ayaa ku dhashay waddanka Faranskiiska markii ay taariikhdu ahayd January 3, 1997kii, waxaana uu ku biiray kulliyadda da’yarta Paris Saint-Germain oo uu ka tirsanaa illaa laga soo gaadhayay sannadkii 2017kii oo uu uga wareegay Lille, taas oo uu u saftay 47 kulan oo horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.

Monaco ayuu u wareegay January 2019kii, waxaana uu u ciyaaray 74 jeer ka hor intii aanay AC Milan si rasmi ah ula soo wareegin maanta ee aanay u xidhin No.5.

Milan ayaa waxa kale oo ay xaqiijisay in ay Real Madrid kala soo wareegtay weeraryahanka da’da yar ee Brahim Diaz oo laba sannadood oo amaah ah ay kusoo qaadatay. Labada sannadood ee amaahda ah ee Brahim Diaz ayay Milan bixin doontaa afar milyan oo Euro oo ay siin doonto Real Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More