“285 Maalmood Ka Hor Ayaan Bilaabay Safarka, Way Adag Tahay Inaan

Difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kaddib 285 maalmood oo uu ku maqnaa dhaawac jilibka kasoo gaabay bishii October ee sannadkii hore, kaas oo uu u jiifay muddo sagaal bilood iyo dheeraad ah.

Kulan saaxiibtinimo oo ay Liverpool xalay la ciyaartay kooxda reer Germany ee Hertha Berlin ayay Van Dijk iyo Joe Gomez beddel kusoo galeen, waxaanay labadan ciyaartoy ba u ahayd markii u horreysay ee garoomada lagu arko tan iyo dhaawaca gaadhay horraantii xilli ciyaareedkii hore.

Van Dijk ayaa kaddib kulankii xalay hadlay, waxaanu taageereyaasha u diray farriin qiiro leh, isagoo xushay in ‘aanay shaqadu waqtigan istaagaynin. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ciyaarta kaddib ayuu ku yidhi: “285 maalmood ka hor, waxa aan bilaabay safarkii aan dib ugu soo laaban lahaa ciyaarista. Way adag tahay in aan sharraxo sida aan dareemayo laakiin waxa muhiim ah in aan sheego, in aan farxad ku dareemayo taageeradii dad badan oo cajiib ahaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Van Dijk intaa ku daray: “Dhakhtarkii qalliinka, dhakhtarkii jid-dhiska, tababareyaasha iyo shaqaalaha ayaa garabkayga taagnaa tan iyo maalintii koowaad. Ciyaaryahanadda kooxdayda ayaa isiinayay tamar, madaxaygana kor u hayay. Jacaylka taageereyaasha, garab is-taagga iyo dhiirigelinta. Waxa ugu mudnaa qoyskayga, sababtoo ah la’aantood waxba ma aanan noqdeen. waad mahadsan tihiin.

“Shaqadu halkan kuma istaagayso. Kaliya waa bilow, waananu sii wadaynaa!”

Kaddib farriinta Virgil van Dijk, waxa isaguna hadlay tababare Klopp oo sheegay inay dareen wanaagsan u ahayd markii uu arkay labadiisa difaac dhexe oo dib ugu soo laabtay garoomada iyagoo ka maqnaa 260 maalmood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More