21-ka Xiddig Ee Ugu Fiicnaan Doona Dunida 2030-ka Oo La

4

Waxa jira tiro aad u badan oo ciyaaryahano da’yara ah kuwaas oo hibo cajiib ah leh isla markaana sugaya inta ay Lonel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ah kuwa jiilkan ugu wanaagsani ka hawl-gabayaan kubadda cagta.

Mudo sanado laga joogo haatan, jamaahiirta kubadda cagta ayaa la yaabanaa kana hadlayay cida jagada ugu sarreysa kubadda cagta ku loolami doonta marka ay saaxada ka baxaan xiddigaha ugu wanaagsan kubadda cagta casriga ah.

Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid ku guuleysan kara dhawr Ballon d’Or, halka Erling Haaland, Jadon Sancho iyo Vinicius Junior ciyaaryahano ay kamid yihiin ay u muuqdaan xiddigo mustaqbal weyn leh.

Tartanka ciyaaryahanka ugu wanaagsan kubadda cagta ayaa tartan laba farasle ah soo ahaa tobbankii sano ee ugu dambeeyay balse waxaynu geli karnaa wakhti sanad kasta ciyaaryahan cusub loo doorto midkii ugu fiicnaa.

Haddaba, su’aasha ayaa ah siduu noqon doonaa hab-dhismeedka xiddigaha ugu fiican kubadda cagta tobban sano gudaheed? shabakadda Goal ayaa samaysay xulashada 21-ka xiddig ee ugu fiicnaan kara kubadda cagta sanadka 2030.

Xiddiga liiskan ku jira ee kaa yaabin doona ayaa ah Cristiano Ronaldo Junior oo ah wiilka CR7, walow uusan wali saaxadaha waaweyn ee kubadda cagta soo gelin hadda Cristiano Junior ayaa durtaba wadadii aabihii haya waxaana uu rekoodhka gool dhalinta da’diisa ku haystaa inuu xilli ciyaareedkii hore 58 gool kusoo dhaliyay 28 kulan.

Liiska 21-ka Da’yar Ee Ay Goal U Saadaalisay Kuwa Ugu Fiicnaan Doona 2030

Frenkie de Jong (Barcelona)

Christian Pulisic (Chelsea)

Trent Alexander Arnold (Liverpool)

Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)

Kai Havertz (Chelsea)

Joao Felix (Atletico Madrid)

Jadon Sancho (Borussia Dortmund)

Phil Foden (Manchester City)

Vinicius JR (Real Madrid)

Alphonse Davies (Bayern Munich)

Erling Haaland (Borussia Dortmund)

Take Kubo (Villarreal/Real Madrid)

Mason Greenwood (Manchester United)

Eduardo Camavinga (Rennes)

Ansu Fati (Barcelona)

Gio Reyna (Borussia Dortmund)

Matiaz Erezo (River Plate Uruguay)

Jude Bellingham (Borussia Dortmund)

Ilias Akhomach (Barcelona)

Youssoufa Moukoko (Borussia Dortmund)

Cristiano Ronaldo Jr. (Juventus Academy)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More