159 Kulan Oo Aan Laga Badin & 1,638 Maalmood Kaddib,

Liverpool waa inay isku diyaariso guul-darro toddobaadkan marka ay Manchester  City iska hor yimaaddaan, waxa sidaas usii sheegay Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa ugu bushaareeyey inay haddaba calbiga sii adkaystaan.

Khabiirka BBC Sports oo Liverpool guulo usoo saadaaliyey dhamaan 159kii ciyaarood ee ugu dambeeyey, isla markaana la safnaa 1,638 maalmood oo aanu ka nixin kooxda horyaalka difaacanaysa, waxa uu markan soo afjaray saadaashiisii ugu dheerayd abid ee uu koox guul u saadaaliyo.

Axadda toddobaadkan ayay Liverpool tegi doontaa magaalada Manchester oo ay fiidka hore kula soo ciyaari doonto Man City oo joogta garoonkeeda, laakiin waa in aanay kusii talo-gelin isla markaana xisaabta ku darsan inay guuleystaan haddii ay niyaddooda saamayn ku yeelanayso saadaasha Mark Lawrenson.

Inkasta oo saadaalo uu bixiyo Mark Lawrenson toddobaad kasta ay ku beenoobaan, haddana Liverpool ayaa noqotay kooxda uu waqtiga ugu dheer guulaha usoo saadaaliyey oo 158 ciyaarood oo uu libin usii sheegay iyadoo intooda badanna ay run noqdeen.

Muddada ay Liverpool waqtigan ku naaloonaysay, waxay u dhowaatay inay soo qabato rikoodhkii guul-darro la’aanta Arsenal ee muddadii u dhaxaysay May 2003 illaa October 2004.

Mark Lawrenson waxa uu usbuucan saadaaliyey in Manchester City ay guushu ku raaci doonto 2-0 oo ay garaaci doonto Liverpool.

“Waxaan ogahay in aanan waqti badan guul-darro u saadaalin Liverpool, laakiin waxa aan dareensanahay inay tahay ciyaar ugu ahayn difaac ahaan iyo waqtiga ay Reds ku jirta intaba, iyadoo ay sugnaan la’aani ka jirto khadkeeda dambe.” Ayuu yidhi Mark Lawrenson.

Si kastaba, daawadeyaasha ayaa kulankan indhahooda ku arki doona waxa kasoo baxa natiijada ciyaartan, iyadoo dhamaadkeedana la ogaan doona haddii ay saadaasha Mark Lawrenson run noqoto iyo haddii ay ku beenowdo.

Akhriste, adiguna saadaal ka bixi kulankan oo halka hoose nagula wadaag kooxda ay kula tahay inay guuleysan doonto marka ay Axadda kulmaan Manchester City iyo Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More