Wenger: Tababarihii hore ee Arsenal oo shaqo sare laga siiyay FIFA

32,223

Tababarihii hore ee Arsenal, Arsene Wenger ayaa dib ugu soo noqday ciyaaraha kubadda cagta. Wuxuu ogolaaday in uu noqdo madaxa FIFA ee horumarinta kubadda cagta caalamka.

- Advertisement -

Tallaabadaas waxay meesha ka saartay hadalladii la isla dhexmarayay ee ahaa in uu noqonayo tababaraha kooxda Bayern Munich.

Wenger wuxuu kooxda Gunners ka tagay bishii May, sannadkii 2018-kii. Wuxuu laylinayay 22 sano, wuxuuna ku guuleystay seddax koob oo horyaalka Premier League ah iyo toddobo koob oo FA ah.

“Si weyn ayaan u doonayaa in aan qabto shaqadan muhiimka ah ee aadka u adag,” ayuu yiri.

Xilkan cusub ee Wenger uu ka qabanayo Xiriirka Kubadda Cagta Caalamka waa shaqo lagu horumarinayo ciyaaraha rag iyo dumar iyo sidoo kale arrimaha farsamada ciyaaraha.

Wuxuu hadda noqonayaa xubin ka tirsan Guddiga farsamada ee FIFA, waana guddoomiyaha kooxda baaritaanka arrimaha farsamada.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More