“Waan ku soo laabanayaa Spain”ayuu ka dhawaajiyay Ibrahimovic

Weeraryahanka LA Galaxy Zlatan Ibrahimovic ayaa dhowaan noqon doona mid xor ah wuxuuna soo sheegay in ku laaban doono Spain laga yaabo inay horey ugu diyaarsaneyd.

2,214,511

- Advertisement -

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhawaaqay inuu “dib ugu soo laaban doono” Spain taas oo laga yaabo inay u tahay tilmaan ku saabsan mustaqbalkiisa ciyaareed ee soo socda.

38-sano jirkan qandaraaska uu kula jiro kooxda LA Galaxy ayaa wuxuu dhacayaa bisha Diseembar, wuxuuna horay uu sheegay suurtogalnimada inuu ku laabto Yurub.

U dhaqaaqista Talyaaniga waxay umuuqatay inay u badan tahay, iyadoo kooxo badan oo Serie A ah – oo ay kujiraan Napoli – la rumeysan yahay inay muujiyeen xiiso ay uu qabaan.

Sikastaba, weeraryahankii hore ee Barcelona ayaa bartiisa Instagram soo dhigay muuqaal gaaban talaadadii kaas oo laga yaabo inuu tilmaamayo inuu mustaqbalka u dhaqaaqi doono kooxda LaLiga.

Hola Espana, bal qiyaas waxa soo socda? Waan soo noqonayaa, ayuu yidhi.

Ibrahimovic, oo sidoo kale bartilmaamed u ahaa kooxaha ka dhisan South America Boca Juniors iyo Flamengo, ayaa hal xilli ciyaareed ku qaatay kooxda reer Spain ee Barcelona 2009-2010.

Laacibkii hore ee reer Sweden ayaa isniintii loo magacaabay MLS Best XI ee 2019 ka dib markii uu dhaliyay 30 gool isla markaana caawiyay 7 kale 29 kulan oo xilli ciyaareed caadi ah.

In kasta oo qaabkiisii ​​muhimka ahaa ee uu ku lahaa goolka hortiisa, LA Galaxy waxa laga reebay ciyaarihii MLS-ka ee ay ka wada ciyaareen Los Angeles FC usbuucii hore.

Sidoo kale Barcelona, ​​Ibrahimovic kooxdiisii ​​hore waxaa ka mid ah Manchester United, Paris Saint-Germain, Inter, AC Milan, Ajax iyo Juventus.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More