Sadio Mane ayaa ayaa doonayo inuu xirfadiisa ku dhameysto Anfield

Sadio Mane ayaa ku adkeystay inuu aad ugu faraxsan yahay Liverpool isla markaana uu doonayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku dhameysto kooxda.

333,212

Xiddigan oo ah 27 jirka ayaa dhaliyay 68 gool tan iyo markii uu ugu soo biiray Reds aduun dhan 34 milyan ginni oo uga yimid kooxda Southampton sanadkii 2016.

- Advertisement -

Mane wuxuu mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Jurgen Klopp isagoo saxiixay qandaraas cusub oo waqti dheer ah sanadkii hore – waxaana haatan rajeyneyaa inuu kusii nagaado Anfield ‘weligiis’.

Wuxuu u sheegay TV2-ka Norway : “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka mid noqdo naadigan weyn waana ku raaxeysanayaa  joogista halkan.

Sida wararku ay sheegayaan Weeraryahanka Kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa iska diiday ku biirista naadiga Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain.

Xiddiga xulka qaranka Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaan doonaynin inuu ku biiro naadiga Real Madrid, inkastoo ay ka dhigteen bartilmaameedkooda koowaad marka uu furmo suuqa kala iibsiga xiddigaha xagaaga.

Warsidaha Dan Balon ayaa warinaya in kooxda ka dheesha horyaalka La Liga ee Los Blancos ayaa diyaar u tahay inay bixiso illaa iyo 180 milyan oo gini si ay u helaan 27-sano jirkaan weerarka ka ciyaara ee ka dheela Ingiriiska, laakiin ciyaaryahankan laftiisa uu doonayo inuu sii joogo Reds.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More