Messi ayaa Barcelona ka caawiya inay ku soo laabtaan hogaanka LaLiga

332,507

Barcelona ayaa si fudud saddexda dhibcood kaga qaadatay Camp Nou kooxda Real Valladolid, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 10-aad horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

- Advertisement -

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 2-aad ee isla bilawga ciyaarta Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay daafaca reer France ee Clement Lenglet.

Laakiin 15 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda martida aheyd ee Real Valladolid ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay xiddigooda Kiko Olivas.

Daqiiqadii 29 –aad Barcelona ayaa markale hogaanka u qabatay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay xiddiga khadka dhexe ee reer Chile Arturo Vidal, waxaana goolkan si quru badan u caawiyay Lionel Messi.

Daqiiqadii 34-aad Lionel Messi ayaa ciyaarta ka dhigay 3-1, kaddib markii uu shabaqa kooxda Real Valladolid uu dhax dhigay laad xurta ee aad u qurux badan.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 75-aad Lionel Messi ayaa ciyaarta ka dhigay 4-1, waxaana goolkan ka caawiyay xiddiga reer Croatia ee Ivan Rakitic.

Markale daqiiqadii 77-aad Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta sii dheereysatay, waxaana 5-1 dheesha ka dhigay Luis Suarez oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Lionel Messi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 5-1 oo ay ugu awood sheegatay Barcelona kooxda Real Valladolid oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More