ManCity, Leicester, Everton dhamaantood waxey heleen dhibco

332,107

Manchester City ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Southampton oo marti ugu aheyd Etihad Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada wareega 16-ka ee tartanka Carabao Cup, waxayna awoodeen inay u gudbaan wareega xiga ee siddeeda.

- Advertisement -

Guardiola ayaa yiri: “Waxaan durba joognay wareega sideed dhamaadka sidaas darteed waan arki doonaa isku aadka. Marka aad ciyaareyso semi-finalka ama finalka waxaad bilaabi kartaa inaad ka fekerto taas [ku guuleysiga]. ”

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 20-aad Man City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Nicolas Otamendi, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bernardo Silva.

38 daqiiqo Sergio Aguero ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hogaamineysay Manchester City, iyadoo uu goolkan ka caawiyay xiddiga reer England ee Kyle Walker.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad Sergio Aguero ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Manchester City wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

Daqiiqadii 75-aad Southampton ayaa la timid gool waxaana ciyaarta 3-1 ka dhigay xiddigooda Jack Stephens, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis James Ward-Prowse.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 3-1 ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Manchester City, Skay Blue ayaa waxay sidaas ugu gudubtay wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Carabao Cup.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More