Man United oo tallaabo u jirta inay la saxiixato xiddig

144,714

Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Manchester United ay isku diyaarineyso inay bixiso lacagta ay kooxda Borussia Dortmund ka codsatay si ay ula saxiixato da’ayarka reer England ee Jadon Sancho.

- Advertisement -

19 jirkan reer England ayaa ka mid ahaa bar-tilmaameedyada kooxda Manchester United tan iyo suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, laakiin ugu dambeyntii wuxuu iska sii watay u ciyaarista naadigiisa Borussia Dortmund.

Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu tilmaamay in suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo aadan ay maamulka Manchester United u dhaqaaqi doonaan lasoo saxiixashada Jadon Sancho, si uu ugu noqdo badelka xiddigaha Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez oo ku biiray kooxda Inter Milan.

Manchester United ayaa ogolaatay codsiyada kooxda Borussia Dortmund, waxayna diyaar u yihiin inay bixiyaan qiimo dhan 100 milyan ginni si ay ula saxiixdaan Jadon Sancho, waana qiimaha ay weydiisteen naadiga reer Germany si ay u fasaxaan xiddigoodan reer England, waxayna u muuqataa in United-ka ay ogolaatay bixinta lacagtaas.

Heshiiska uu Jadon Sancho ku joogo kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund ayaa wuxuu ku egyahay xagaaga 2022, wuxuuna ilaa iyo haatan u ciyaaray 14 kulan, isagoo dhaliyay 4 gool, halka 7 gool kale uu caawiyay.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More