Joel Matip ayay u badan tahay inuusan ka soo laaban doonin..

14,711

Daafaca Liverpool Joel Matip ayay u badan tahay inuusan ka soo laaban doonin dhaawac ka hor fasaxa caalamiga ah ee soo aadan, taasoo la micno ah inuu qarka u saaran yahay inuu seego kulanka muhimka ah ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Manchester City bisha soo socota.

- Advertisement -

Taas waxaay ka dhigaan tahay. In Joel Matip uu wajahayo lix todobaad oo uu garoomada kaga maqnaanayo dhaawac dhanka jilibka ah.

Jariiradda Standard ayaa warinaysa Joel Matip uu ballaarin doono maqnaanshihiisa ka soo kabashada dhaawaca jilibka ah.

Tababare Jurgen Klopp ayaa lagu qasbay inuu dib ugu yeero Dejan Lovren kulankii Genk ee Champions League iyo kulankii axadii hore ee ay 2-1 kaga badiyeen Tottenham Hotspur .

Daafacan ayaa ka soo muuqday mid ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay Liverpool waana kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Manchester United ciyaartaasoo dhacday 20 bishan October.

Ka maqnaanshihiisa labada kulan ee ka hor booqashadaas garoonka Old Traffrod ayuu dib ugu laabtay dhaawacii jilibka ka soo gaadhay kulankii Sheffield United.

Shabakadda Standard Sport waxa ay fahamsan tahay in Matip uu garoomada ka maqnaan karo muddo lix isbuuc ah.

Taasi waxay meesha ka saari doontaa inuu 28-sano jirkaan ka soo maqnaado illaa iyo 10 kulan oo ay ku jiraan booqashada Manchester City ee Anfield iyo dhammaan saddexda kulan ee ka hartay heerka Guruubyada Champions League.

Manchester City ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League waxa ay booqanaysaa kooxda Liverpool 10 bisha November ee soo aaddan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More