#Yaa Ku Guuleystay doorashada Baarlamaanka Jubaland?

94,150

Magaalada Kismaayo waxaa lagu soo gaba gabeeyay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed C/Raxmaan oo horay kursigan ugu fadhiyay ayaa ku guuleystay,waxaana uu helay 55 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Waxaa kaliya la tartamay hal musharrax kaas oo lagu magacaabo Xuseen Shiinow Cali oo isaguna helay 18 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in uusan jirin cod xumaaday islamarkaaan 73 xildhibaan ee codeysay ay codadkooda saxmeen sidaasna Guddoomiyaha kula wareegay kursigii uu afartii sano ee ugu dambeysya ku fadhiyay.

Aadan Khaliif Xaaji, ayaa ku guuleystay guddoomiye ku xigeenka 1aad isaga oo helay 72 cod, mana jirin musharrax la tartamayay sidoo kale musharraxa ku xigeenka 2aad ayaa waxaa tanaasulay mid ka mid ah labadii musharrax waxaana ku guuleystay Cabdi Baalley oo horay xilkan u hayay.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More