Yaa ka qaybgalay Shirka wada-tashiga Musharixiinta

2

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shir Saddex cishe soconaya oo u dhaxeeya Hogaamiyayaasha Xisbiyada mucaaradka oo badi ah musharixiin ku hamineysa ka qaybgalka Doorashada Soomaaliya 20/21.

Shirka waxaa ka qaybgalaya Mas’uuliyiin kala duwan oo qaarkood xilal heer federaal & heer Dowlad Goboleed soo qabtay si ay u tashtaan muranka ay ka qabaan xubnaha Guddiga doorashada 20/21, qaabka ay u wajahaan hogaamiyayaasha talada heysa & muujinta miisaankooda siyaasadeed.

Shaqsiyaadka madasha ku sugan waxaa kamid ah:

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre Raysul Wasaarihii hore ee Dalka, Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS & Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga gudaha & Hogaamiyaha Galmudug, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Wasiirka Qorsheynta Dowladdii KMG ahayd ee Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble & mas’uuliyiin kale.

Kulamada xooggooda waxa ay diiradda ku saarayaan doorashada Soomaaliya 20/21 oo bilaabaneysa bisha December 2020 sida ku xusan qorshaha jadwalka hogaamiyayaasha heer federaal & heer Dowlad Goboleed.

Gunaanadka Shirka Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 waxaa lagu wadaa in ay soosaaraan warmurtiyeed ku saabsan waxyaabaha ay isla meel dhigaan saddexda Cishe uu shirkooda socda.

Haddaba, Shirka Wada tashiga Musharxiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21, muxuu kusoo kordhin karaa Xaaladda siyaasadda Dalka?

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More