Xuud oo Weeraray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka

Magaalada Baladweyne waxaa ka dhacay iska hor imaad dhexmaray Ciidamada ammaanka Magaaladaas & maleeshiyaad ku heyb ah Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud oo diidan hab dhismeedka DG Hir-Shabeelle.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in maleeshiyaadka ay iska dhex abaabuleen Xaafadaha Magaalada Baladweyne, sidaasina ay ku fulisay weerarada ka dhacay Xaafadaha Kooshin & Xaawa-Taako.

Iska hor imaadka oo muddo kooban socday waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho & dhaawac inkasta oo aan tiro rasmi ah la helin, balse wararka ayaa intaas ku daray in goobaha Caafimaadka la geeyay dad dhaawacyo fudud kasoo gaaray dagaalkaas.

Magaalada Baladweyne waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & dib u heshiisiinta XFS Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo u tagay dhexdhexaadinta saan-saanta colaad ee ka dhalatay Dhismaha DG Hir-Shabeelle.

Xuud ayaa diidan in Baladweyne uu caga-dhigo Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle Cali Cabdullaaahi Xuseen Guudlaawe, waxaana fashilmay isu dayo lagu damacsanaa in Jananka uu ogolaado wadahadal gar-wadeyn ay ka noqoto Xukuumadda Federaalka.

Qaar kamid ah qoysaska ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa welwel ka muujinaya in isku dhacyada Siyaasadeed ay isku badalaan kuwa Beeleed, maadaama Xuud uu garab ka helayo Maleeshiyaad ku heyb ah.

Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana socda dibadbaxyo lagu soo dhaweynayo hoggaamiyaha maamulkaas & kuwo looga soo horjeedo safarkiisa.

Ciidamo katirsan DFS ayaa 28-kii November 2020 weeraray saldhigyo duleedka Baladweyne uu ka sameystay Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Gen. Xuud, kadib markii lagu kala kacay wadahadal Jananka lagu qancin lahaa in uu hubka dhigo si looga qanciyo tabashada uu qabo.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More