Xukun lagu Riday rag loo heysto qarax sanadkii hore ka dhacay Wadajir

25,839

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya. Ayaa maanta xukun dil iyo xabsi daa’in isugu jira ku ridday. Rag loo heysto weerarkii November 2018kii ka dhacay Isgoyska Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir.

Xasan Cali Macalin Barre [Xasan Boy] ayaa garka loo geliyay dil toogasho. Bare waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu naqshadeeyay weerarka uuna gaariga soo miidaamiyey.

Sayid Cali Aadan Nuur ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah. Nuur wuxuu wajahayey dacwad la xiriirta in uu ahaa wadaha gaariga qarxay isla markaana uu qarxiyey markii la qabtay.

Muxudiin Maxamed Axmed ayaa xorriyadiisa loo celiyay markii lagu waayey wax dambi ah. Axmed waxay saaxiibo ahaayeen shaqsiyaadkan. Balse door kuma lahayn weerarkaasi.

Dacwad oogeyaasha oo xukunnka soo jeediyay ayaa waxay sheegeen in raggan ay iska dhigeen kuwa isticmaala maandooriye ayna la baxeen magacyo cusub si aanan looga shakin.

Ku dhowaad 15 ruux oo ay ku jiraan wiil iyo hooyadii ayaa ku naf-waayey dhacdadaasi oo ay dusha saaratay kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ee AlShabaab.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Koowa Kodey ee Muqdisho, gaar ahaan goob mashquul badan oo ay ku yaaliin mehrado ganacsi. Dadka dhintay badankooda waa shacab.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More