Xukumadda xilgaarsiinta:-Bannaanbax gebi ahaanba waa la joojiyay

Xukumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya oo ku celisay markale in aan magaaladda Muqdisho ka dhici karin banaanbax lagu taageerayo amaba loogaga soo horjeedo dowlada iyadoo dhowaan ay ku baaqeen Midowga Musharaxiinta banaanbax ballaaran oo ka dhaca Muqdisho.

- Advertisement 1 -

Siihayaha wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id maanta oo Talaado ah ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirar dhowr ah oo dhacay iyo qiimeyn la sameeyay lagu joojiyay isku soo baxyada dadweynaha, si looga feejignaado faafitaanka cudurka COVID-19.

“Lama qaban karo isu imaatin nooc walba oo uu ahaado maadaama dalka uu ka jiro cudurka Covid 19,”ayuu yiri Wasiir Xundubey.

“Xilli waxaa ku jirnaa in warbaahintu malaayiin warka ku gaarsiiso,uma baahnin banaanbax.dowlada iyo kuwa aan dowladu ku jirin ha adeegsan warbaahinta”ayuu yiri.

“Ma jirto wax baahi ah oo aan u qabno in dad la isugu keeno waxaan u baahanahay oo kaliya kaamerooyin,isu soo bax lama oga,caburin mar jirto,qof la caburiyay haddii ay jirto waa noo sheegi kartaa.”ayuu sii raaciyay.

” Bannaanbax gebi ahaanba waa la joojiyay haddi dowladda lagu taagerayo ama haddi looga soo horjeedo intaba”. Ayuu ku yiri hadalkiisa.

Xasan Xundubey wasiirka amniga oo xilligii uu shirka jaraa’id jeedinayay uu dhinac taagnaa wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ay jiraan wadahadalo socda oo ra’iisul wasaaruhu horkacayo,balse ma sheegin in wadahadaladu ay yihiin kuwo ay dowladu la yeelanayso midowga musharaxiinta.

Warkan kasoo baxay Xukumadda Xilgaarsiinta ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Musharixiinta ay ku dhawaaqeen dibadbax ka dhacaya taalada Daljirka Daahson ee degmada Boondheere.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More