Xukumadda Soomaaliya oo qaaday xayiraadii socdaalka ee Jubbaland

32,472

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba qaaday xayiraadii socdaalka ee Jubbaland kahor caleema saarka Axmed Madoobe, sidda ay Ogaatey saxafadda.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay markii cadaadis xoogan uu xukuumadda kaga yimid madaxweyneyaashii hore ee waddanka iyo Beesha Caalamka.

Maamulka Kismaayo oo xayiraada ku sifeeyay “go’doomin baalmarsan Dastuurka dalka” ayaa xusay in ay ka dhalatay xaalado bini’aadanimo oo isugu jira geerida shacab iyo caafimaad darro.

Go’aankan laga noqday ayaa wuxuu farayay diyaaradaha tegaya ama kasoo baxaya magaaladda Kismaayo in ay soo maraan madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde si loogu sameeyo hubin.

Xisbiyada dalka iyo siyaasiyiin oo talaabadan ku tilmaamay “mid siyaasadeysan” ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay maamulka hawada u adeegsaneyso “hub siyaasadeed ahaan”.

Qaaditaanka xayiraadda ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu kusii jeedo Kismaayo si uu uga qeybgalo munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe.

Xafladda ayaa lagu waddey in ay qabsoonto 26-kii September. Balse, xayiraada ayaa dib u dhigtay, iyadda wafuud ka qeybgali lahayd ay u baaqdeen sababtaas awadeed.

Madaxweynihii 7aad ee dalka, Sheekh Shariif Axmed, ayaa bishii September loo diiday in uu ka dhoofo Muqdisho si uu xafladda kaga qeybgalo. Kadib falkaas, xisbigiisa Himilo Qaran ayaa dacweeyay xukuumada.

Madaxtooyadda maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga soo xigtay “in ay sida ugu dhaqsiyaha badan” ku muddeyn doonan goorta saxda ah oo ay qabsoomeyso xafladda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa dib loogu doortay doorasho xor iyo xalaal ah oo 22-kii August ka qabsoonto xarunta gobolka Jubadda Hoose. Guusha ayuu ku hantiyey wareega 1aad ee coddeynta.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More