#Xukumadda oo sheegtay in doorashada Galmudug ka dhaceyso Dhuusamareeb

74,586

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha, dib u hehsiisiinta iyo Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in doorashada madaxtinimada Galmudug lagu qabanayo Waqtigeeda.

Warkan oo ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu sheegay in doorashada ay dhaceyso 4ta Bisha July kana dhaceyso Magalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in heshiiskii Galmudug iyo Ahlu sunna uu buray islamarkaana waxaa uu ku dhawaaqay in doorashad Galmudug ay dhaceyso 4ta july kana dhaceyso Magaalada Cadaado.

Halkaas ayaa waxaa ka soo bidhamaaya khilaaf hor leh oo ku saabsan halka ay ka dhaceyso doorashada Galmudug.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More