#Xukumadda Biixi Oo ku Hungowday Dhoolatus Milatari Oo Dalalka Gacanka Carbeed ku Sameeyeen Xeebaha Bada Cas

0

- Advertisement -

Lix dal oo ku yaalla gacanka cadmeed iyo Badda Cas oo dhowaan samaystay xulafo uu Sucuudigu aasaasay, ayaa dhoolatuskoodii ugu horeeyay ee millatari ka bilaabay xeebaha badda caas Axadii toddobaadkan, siday ay sheegtay Wakaallada Wararka Sucuudiga ee SPA.

- Advertisement -

Dalalka dhoolatusku kulmiyey ayaa waxay kala yihiin Sucuudiga, Egypt, Jordan, Sudan, Yemen iyo Djibouti, waxa kaloo ka qayb ka ahaa dawladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay Somaliland ku hungowday wax ka qabashada doolatuskan maadaama ay hore ugu hanjabtay inaysan waxba ka socon doonin heshiiska ay ka maqan tahay, islamarkaana ay dawlada fadaraalku matalayso dalka Somaliya.

“Dhoolatuskan ayaa waxa looga gol leeyahay in lagu adkeeyo ammaanka dalalka badda cas iyo sidii loo ilaalin lahaa marin biyoodka iyo iskaashiga millatati ee dalka xulafada ah,”sidaasna waxa yidhi Janaraal Saqr bin Mohammed al-Harbi oo ka tirsan masuuliyiinta ciidanka xeebaha Sucuudiga, waxaanu intaas ku daray In tababarkani uu socon doono ilaa Khamiista toddobaadkan.

Sikastaba ha ahaatee Somailand ayaa u muuqata inay saamayn ku yeelan kari wayday heshiiskan ay ka maqan tahay, ee ay ku midoobeen dalalka gacanka carbeed ee bada cas, kaasoo hada u muuqda mid u socdaa sidii loogu talo galay.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More