#Xukumadd Soomaaliya Oo Mashruuc Waxbarasho Maalayiin Dollar ku kacaya Ogolatey In laga Fuliyo Maamulka Hargeysa

749,012

Dawlada federaalka ah ee Somaliya ayaa qalinka ku duugtay mashruuc balaadhan oo waxbarasho kaasi oo ku kacaya 67.5milyan.

Mashruucan oo looga faa’idayn doono 400. 000 oo qof oo caruur ubadan waxaana laga fulinayaa Somaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland, sida sawirada ka muuqada magaalada Muqdisho waxa heshiiskan qalinka lagu duugay 11.7.2019 oo ku beegnayd maalin Khamiis ah, sida wasiirka waxbarashada ee dawlada Federaalka Somaliya sheegay Cabdilaahi qodox Barre.

Waxaana mashruucan fulintiisa iska kaashanaya dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot wait iyo

#Xukumadd Soomaaliya Oo Mashruuc Waxbarasho Maalayiin Dollar ku kacaya Ogolatey In laga Fuliyo Maamulka Hargeysa

Dhinaca kale waxa Somaliland masuul uga ah dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot Wait iyo gabadh uu dhaliyay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. (Saleebaan Gaal).

Waxa Mashruucana shalay Hargaysa ku daahfuray Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ay hareer Fadhido gabadha uu dhalay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan, Saynab Saleebaan.

Dhanka kale maamulka Somaliland ayaa diiday in ay ka soo qaataan saxeexa fasaxa caafimaadka markab adhi ah oo ku xanibay sacuudiga, iyaga oo diidan in ay shacabku ogaadaan, in maamulka Somaliland ku shaqeeyo saxeexa iyo ogolaashaha Villa Somalila.

 

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More