#Xubno ka tirsan Garsoorka Puntland oo dalbaday in C/wali Gaas laga reebo Doorashada

1

- Advertisement -

Doorashada Madaxweynaha Puntland oo ay ka harsantahay hal maalin ayaa waxaa xubno ka tirsan Garsoorka Puntland dacwad ka gudbiyeen Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ahna Musharax C/wali Gaas.

- Advertisement -

Xubnha Garsoorka Puntland ka tirsan ayaa ku baaqay in tartanka Doorashada Madaxweynaha Puntland laga reebo C/wali Gaas.

Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha musharaxa ah in uu cunay xaqoodii isla markaana mushaharaadkoodana aan la siin mudo sanado ah.

Sidoo kale Xubnahan ka tirsan gudiga garsoorka Puntland ayaa waxay sheegeen in ay gudiga doorashooyinka Puntland u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Cabdiweli Maxamed Cali ahna musharax madaxweynaha Puntland.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya gaar madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayay ugu dambeyn ugu baaqeen in xaqooda ay ka siiyaan Madaxweynaha xilku ka dhamaanayo ee Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Si kastaba, waxaa cad inaysan jirin cid wax ka gasha eedeymahooda, ama Gaas ka hor-istaagi karta inuu doorashada ka qeyb-galo.

Waxaan heer gabo gabo ah marayo diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland ayadoo 8 bishan Janawari lagu wado ay garoowe ka dhacdo Doorashada.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More