#Xubno doonayay in ay ku biiraan Daacish oo lagu xirxiray Puntland

0

- Advertisement -

Puntland ayaa sheegtay in gacanta ay ku dhigtay xubno ku biiri rabay Ururka Daacish ee ka dagaalama dhulka Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

- Advertisement -

Qoraal ka soo baxay Ciidanka PSF ee Puntland, ayaa lagu sheegay hawlgal qorsheysan oo Ciidamada ay fuliyeen in lagu guuleystay soo qabashada xubno rabay inay Daacish ku biiraan sida Puntland ay sheegtay.

Hawlgalka oo laga fuliyay togagga Gaaca, Guban iyo Moqor ee koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, ayaa lagu soo qabtay xubno doonayey, in ay ku biiran Daacish iyo saad ciidan oo loo gudbin lahaa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF.

Ciidamada PSF Puntland ma aysan sheegin tirada xubnaha Daacishta ee lagu soo qabtay hawlgalkaasi & nooca saadka Militari ee Ciidanka ay ku guuleysteen qabashadiisa.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal kula jira Kooxdaha Daacish iyo Al shabaab ee dhulka Buuraleyda Gobolka Bari saldhigyada ku leh.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More