#Xoojinta Awoodda Mareykanka ee Bariga dhexe waa hanjabaad kadhan ah Nabadda Adduunka!

7,897

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran Maxamed Jawaad Darif ayaa sheegay in go’aanka diritaanka ciidan dheeri ah ee uu qaatay maamulka Mareykanku ay kadhigan tahay hanjabaad kadhan ah nabadgelyada adduunka taas oo ay tahay in kaga hortago, Jawaad waxa uu ku tilmaamay eedeynta Iiraan ee kusaabsan in ay kadambeysay weeraradii dhowaan ka dhacay Khaliijku in ay tahy iskuday uu Mareykanku marmarsiiyo ugu raadinayo joogitaankiisa ciidan ee gobolka Bariga dhexe.

Dariif waxa uu iskadiiday Eedda Mareykanka isaga oo faahfaafhinayey eedda Washington u jeedisay Iiran ee kusaabsan in ay kadambeysay weerar burburin ahaa oo lagu qaaday Afar doomood oo ganacsi ah kuwaas oo marayey meel u dhow Imaarada Fujeyra ee Imaaraadka Carabta ayuu sheegay in go’aanka xoojinta awoodda Mareykanka ee Bariga dhexe uu ka horreeyey weerarka doomaha Fujeyra ee lagu eedeeyey ciidanka Illaada Jamhuuriga ee Iiraan.
Digniin

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Iiraan waxa uu kadigay dhibaatada iyo saameynta xun ee kadhalan doonta kordhinta tirada ciidanka Mareykanka ee Khiliijka Carabta, kahor intii uusan ka ambabixin Baakistaan kuna laaban dalkiisa isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Iiraan ayuu yiri: “Tallaabooyinkan oo kale waxa ay kadhigan yihiin hanjabaad halis ah oo kuwajahan gobolkeena, xoojinta joogitaanka Mareykanka ee gobolkeena waxa uu aad halis ugu yahay deganaanshaha iyo Nabadgelyada caalamka, waxaana waajib ah in laga hortago”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Jimcihii hore sheegay in 1500 oo Askari oo Mareykan ah loo dirayo gobolka Bariga dhexe kaddib markii wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanku ay sheegtay jiritaanka hanjabaad joogto ah oo ka imaaneysa Iiraan.

Isha: Aljazeera

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More