#Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay oo aqbalay go’aankii DF Danjire cusubna usoo magacaabaya Soomaaliya

1

- Advertisement -

Xogheyaha guud ee qaramada midoobey Antonio Guterres ayaa aqbalay go’aankii Dowlada Soomaaliya ay ku ceyrisay Danjire Nicholas Haysom waxa uuna  sheegay in Soomaaliya usoo magacaabayo ergey cusub.

- Advertisement -

ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey Farhan Haq ayaa sheegay in tilaabada lagu ceyriyay Haysom ay ka xun yihiin.

Warka kasoo baxay xoghayaha guud ayaa lagu sheegay in wakiilka cusub si uu shaqada halkeeda uga sii wado, waxa uuna xusay in Qaramada Midoobay ka go’an tahay xaqiijinta horumarinta shaqada Qaramada Midoobay.

Qoraalka waxaa ku jirtay in xogheyaha guud uu kalsooni ku qabo Haysom, khibradna leeyahay, horayna uu shaqo fiican ugu qabtay UN-ka.

“Xoghayaha guud wuxuu si qoto dheer uga qoomameeyay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha Guud wuxuu kalsooni buuxda ku qabaa Mr. Haysom oo shaqado badan soo qabtay” Ayaa lagu yiri Qoraalka uu soo saaray Farhan Xaq.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayuu sheegay Afhayeenka in uu soo magacaabayo Ergay cusub si uu shaqada halkeeda uga sii wado, waxa uuna xusay in Qaramada Midoobay ka go’an tahay xaqiijinta horumarinta shaqada Qaramada Midoobay.

Go’aanka uu qaatay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya kadib markii dowlada federaalka ku adkeesatay in uusan marnaba dalka kasii shaqeyn karin Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soonaaliya Nickolas Haysom.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in aan dalka looga baahneyn kana sii shaqeyn karin Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxa ayna dowlada meesha ka saartay in xal laga gaaro ceyrinta Nicholas Haysom.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in xoghayaha guud ee Qaramda midoobay uu isku dayay in waan waan  iyo wadahal lagu dhameeyo ceyrinta Nicholas Haysom asagoo la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, balse uu Madaxweynaha ka biya diiday in arrinta wada xaajood lagu dhameeyo.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More