Xog: Sababta ay maamullada qaar usoo magacaabi la’yihiin gud…

Muqdisho (Axadle) – Saddex ka mid ah maamul goboleedyada dalka ayaa ka caga jiidaya inay u gudbiyaan xafiiska ra’iisul wasaare Rooble liiska guddiyada doorashooyinka heer gobol iyo heer federal si loo dedejiyo arrimaha doorashada.

Dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo un kadib markii Caasimadda Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada.

Hase yeeshee maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo lagu tiriyo kuwa ku dhow madaxweyne Farmaajo, ayaan weli soo gudbin liisaska laga sugayo, waxaana durba soo baxaya tuhuno laga qabo arrintan iyo waxa laga damacsan yahay.

Inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in tani ay tahay isku day la doonayo in lagu dheereeyo waqtiga qabashada doorashada, haddana Axadle ayaa fahamsan in culeys siyaasadeed oo haysta maamulladan dartood ay ugu wacan tahay go’aan qadasho la’aantooda.

Xogtan aan helnay ayaa sheegeysa in sababta arrintan ugu wacan ay tahay ayada oo maamulladan, gaar ahaan Galmudug iyo HirShabelle ay saameyn iyo faro-gelin xooggan ku leeyihiin madaxda dowladda iyo mucaaradkaba, taasi oo ku adkeysay inay gaaraan go’aan deg deg ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli isku dayaya inuu xubno ku dhex yeesho guddiyada ka imanaya maamulladan, halka sidoo kale Midowga Musharaxiinta oo hadda sidii hore ugu dhow madaxda HirShabelle iyo Galmudug ay iyagana loolan ugu jiraan inay wax ka helaan xubnaha guddiyada doorasho. Waxaa sidoo kale faro-gelinta aan ka marneyn xildhibaano miisaan culus oo loolan ugu jira dib usoo laabasho.

Guddiyada doorasho ayaa la rumeysan yahay inay saameyn xooggan ku lahaan doonaan cidda xildhibaan noqoneysa iyo cidda kale, waana taas sababta magacaabistooda la isugu hayo. 

Heshiiska 27-ka May ayaa dhigaya in dalka ay doorasho uga dhacdo 60 maalmood gudahood, hase yeeshee sida hadda ay wax ku socdaan waxaa muuqata inaysan doorasho ku dhici doonin muddadaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More