Xog: Rooble oo qaaday tallaabo muujineysa inuu u dhaxeeyo Fa…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7-xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashooyinka ee dhawaan la filayo inay ka dhacaan dalka.

Guddiga ayaa si gaar ah xafiiska ra’iisal wasaaraha uga taageeraya arrimaha doorashooyinka oo xal waara laga gaaray daba-yaaqada bishii hore, kadib dadaallo uu sameeyey Rooble.

Sida ay ogaatay Axadle, guddigan ayaa waxa uu ra’iisal wasaaraha u dhisay sidii uu saameyn xoogan ugu yeelan laheyn xifaaltanka ka dhex aloosan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo mucaaridka.

Guddiga cusub ayaa waxa uu ka shaqeyn doona isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isaga oo ka cararaya xifaaltanka ka dhaxeeya kooxda NN iyo kooxaha mucaaradka waxa uu guddiga hogaan uga dhigay Cabdiqaadir Cilmi oo 10 sano ay iskala shaqeynayeen hay’adda ILO.

Cabdiqaadir oo hoggaamin doona kooxda fududeyn doonta howlaha doorashada 2021, ayaa waxa ra’iisal wasaaraha u xushay inuu hogaamiyo qof aan sirihiisa la wadaagin kooxaha siyaasadda ku hardamaya, una kasbado kalsoonida dhinacyadda kala duwan iyo beesha Caalamka, sida ay xubno ka agdhow u sheegen Axadle.

Magacaabista guddiga farsamada ee doorashada ayaa timid kaddib markii jahwareer ka dhashay qaabka uu Rooble uu maareynayo mas’uuliyadda loo igmaaday ee qabashada doorasho loo dhan-yahay.

Madaxa Guddiga Farsamada, Cabdiqaadir oo loo yaqaano Abdul waxaa ku lamaan Avv Cumar Cabdulle Dhagey oo asaguna ah khabiir arrimaha doorashooyinka, horena u ahaa Guddoomiyhii gudigii doorashada ee 2016-ka.

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa hordhac u ah qorshaha kalsooni dhiska saamileyda siyaasadda iyo waliba xoojinta wada shaqeynta beesha caalamka, oo xukuumadda u ballan-qaaday inay ka taageerayso arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan xooga saaraya in uu ka baaqsado in saameyn uu ku yeesho hirdanka madaxda sarre ee dowladda iyo mucaaridka, islamarkaana qorshaha doorashada uu sidiisa u socdo ayaga oo dhinacyadaas aysan faro-gelin ku yeelan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More