Xog: Jacfar oo xoog kusoo deestay maleeshiyo ay ka qabteen c…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa shalay isku dayay in uu xoog ku soo furto 11 nin oo ay habeen hore soo bandhigeen ciidamada booliska Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsanaa maleeshiyaad ka amarqaata guddoomiye Jacfar iyo Sarkaal lagu magacaabo Xasan Jaamici. 

Axadle ayaa ogaatay in dood habeenkii oo dhan ka dhax taagneyd booliska, guddoomiye Jacfar iyo Xasan Jaamici oo Milateri ah inuu soo farogeliyay ra’iisul wasaare Rooble kadibna la amray in la sii daayo 11-kii nin iyo hubkooda. 

Maleeshiyaadka la soo bandhigay ayaa ahaa kuwii ciidamada dowladda kula dagaalamay Ex-Controol Afgooye ee Muqdisho, dagaalkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof. Sidoo kale Maleeshiyaadka ayaa intii lagu howlanaa soo qabashadooda waxaa ka dhintay laba qof. 

Rooble ayaa Guddoomiye Jacfar ku amray in uu ka samro labada qof ee ka dhintay balse si deg deg ah loogu soo celiyo hubkooda iyo dhallinyaradii kale sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah. 

Afhayeenka cusub ee booliska Soomaaliya ayaa habeen hore fiidkii hore u sheegay Warbaahinta in la soo qabtay koox burcad ah oo weerartay ciidamada ammiga ee ku sugnaa Ex-controol Muqdisho.

Afhayeenka ayaa xilligaas sheegay in booliska ay ku guuleystay inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More