#Xiliga la qabanayo Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur galbeed oo la shaaciyay

3

- Advertisement -

16-ka Bishan Janaayo ayaa lagu wadaa in Xaflada Caleemada saarka Madaxweynaha cusub ee koonfur galbeed ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay sida lagu sheegay qoraal uu kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulkaas.

- Advertisement -

Qoraalkaka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga Qabanqabadda Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha maamulkaasi.

Munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha Koofurgalbeed oo la qorsheeyay inay dhacdo 16ka bishan Janaayo ayaa ku beegan maalin Arboco ah iyadoo maalintii la doortay iyo maalintii uu xilka la wareegey Madaxweyne Laftagareen ay ahaayeen Maalin Arboco ah.

Guddiga loo xilsaaray ka shaqeynta Xaflada Caleema-saarka Madaxweyne Lafta-gareen  ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

[pdf-embedder url=”https://www.axadletimes.com/wp-content/uploads/2019/01/wareegto-laftagareen.pdf”]

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More