#Xildhibaano Sharci daro ku tilmaamay Garsoorayaal uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo

4

- Advertisement -

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saaray Garsoorayaal uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

- Advertisement -

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya una badan Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowlada ayaa sharci daro ku tilmaamay Garsoorayaal Maxkamada sare uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

War murtiyeed ay soo saareen Xildhibaanada oo la magac baxay Kutlada Badbaado Qaran ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweynaha uu magacaabay 24 kii bishan Afar Garsoore, taasoo ay tilmaameen in tirada Garsoorayaasha ay ka dhigeyso 10 Garsoore, halka tirada sharciga ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay tahay 9 Garsoore, taasoo sharci darro ah, maadaama aan loo marin habraaca uu sheegayo Dastuurka KMG ah sida lagu yiri War murtiyeedka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha Maxkamada sare uusan laheyn awood sharci ah uu ku soo jeedin karo magacaabis Garsoorayaal isaga la darajo ah,maadaama ay sheegeen in gudoomiyaha magacaabistiisa xitaa loo marin wado sifo sharci ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo mar oo kala duwan magacaabay 4-garsoore iyo 5-garsoore oo katirsan Maxkamada sare ,waxa uu sidoo kale Farmaajo horey u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare oo isna garsoore ah, waxa ayna isku noqonaaan 10-garsoore halka Dastuurka KMG uu qabo in garsoorayaasha noqdaan 9-garsoore.

Xildhbaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku tumanayo Dastuurka, isla markaana si baal marsan sharciga u magacaabayo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare.

[pdf-embedder url=”https://www.axadletimes.com/wp-content/uploads/2018/12/20181227_161603-696×913.pdf”]

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More