#Xildhibaano ka tirsan BFS oo taageeray go’aankii Dowladaha France, UK & Germany

0

- Advertisement -

Ayadoo dhawaan Dowlada France ay shaacisay in ay kazoo horjeedo go’aankii Dowada Soomaaliya ay eriday Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa arintaas taageeray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

- Advertisement -

Xildhibaanadan oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa qoraal ay soo saareen ugu horeyn waxay kusoo dhaweeyeen go’aankii Faransiiska ka qaatay ceyrintii Nicholas Haysom.

Qoraalka kasoo baxay xildhibaanada oo ay kula mideysnaayeen Xisbiyada mucaaradka qaar ayaa waxay ku sheegeen inay la dhacsan yihiin go’aanka dowladaha Faransiiska, UK iyo Germany ay ku garab istaageen xuquuqda aadanaha iyo kala sareynta sharciga.

Waxay xildhibaanada ku sheegeen qoraalkooda in ay kaga mahadcelinayaan Qaramada Midoobay dadaalada ay ka wado dalka Soomaaliya, waxaana lagu soo dhaweeyay go’aanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka qaatay ceyrintii Haysom.

Sidoo kale qoraalka xildhibaanada ayaa waxaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya inay soo dhaweyso una ogolaato ergayga cusub ee lasoo magacaabi doono inuu guto waajibaadkiisa shaqo.

Ugu dambeyn waxay qoraalkooda ku sheegeen inay soo dhaweynayaan dadaalada Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka wadaan gudaha dalka.

Xildhibaanada ka tirsan Mucaaradka ayaa qoraalkooda waxa uu kusoo aadaya xili Dowlada Soomaaliya laga aqbalay go’aankii ay ceyrisay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobay Nicholas Haysom.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More