#Xildhibaanada Golaha Shacabka oo bil kadib kulan ku yeelanaya Muqdisho

1

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya Muqdisho.

- Advertisement -

Xildhibaanada ayaa wax kulan ah yeelan mudo bil ah taasoo ka dambeysay kadib markii uu khilaaf hareeyay Gudoonka ugu sareeyo Golaha  Shacabka.

Xildhibaanada golaha ayaa waxa ay ka doodi doonaan oo la hor geyn doonaa Miisaaniyada 2019, oo ay xildhibaanada golaha ay ku kala aragti duwanyihiin.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulan Golaha Shacabka,isla markaana ay soo xaadiraan.

Dhawaan ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal waxa uu dib u habeyn ku sameeyay Guddiga Maaliyada Golaha ayadoo GuddoonkaGudigaas gabi ahaan la badalay.

Kullamada Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa hakad galay tan iyo markii gudoonka golaha ay isku maan dhaafeyn qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Mooshinka madaxweynaha laga keenay iyo kala diristii gudiga Maaliyada oo ugu dambeyn dib u habeyn lagu sameeyay.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More