#Xildhibaan Odawaa oo faah faahin ka bixiyay sababta uu safarka deg dega ah ugu tagey Cadaado

2

- Advertisement -

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa galinkii dambe ee shalat tagay magaalada Cadaado, ee Gobolka Galgaduud .

- Advertisement -

Xildhibaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Maamulka Galmudug  Maamulka degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayuu sheegay in seddex ujeedo oo uu tagay magaalada Cadaado, isaga oo sheegay in ujeedooyinkaasi uu gaari doono maalmaha uu ku sugan yahay magaalada Cadaado.

Tan Koowaad wuxuu ku sheegay in maadaama uu kasoo jeedo deegaanka baarlamaankana ku matalo inuu dib ula kulmo waxgaradka iyo dadka deegaanka sii ay kaga wada hadlaan waxyaabaha ay wadajir u qaban karaan.

Tan Labaad wuxuu ku sheegay inay tahay inuu furo Mashaariic laga hergeliyay magaalada Cadaado, kuwaasi oo qaarkood uu sheegay inuu isaga geeyay magaalada Cadaado.

Arinta Seddexaad oo muhiim ah ayuu ku sheegay inay tahay xalinta arrimaha khilaafaadka madaxda Galmudug ee keenay in labo magaalo lagu kala shiro, waxaana uu sheegay in maalmaha u joogo magaalada inuu arimahaasi ka shaqeyn doono.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay yihiin dad walaalo ah, haddii ay ahaan lahaayeen reer Dhuusamareeb oo ah Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug iyo reer Gaalkacyo, waxaana uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii la isku soo dhowaan lahaa, wixii la kala tabayana la xaliyo.

Safarkiisa Cadaado ayaa yimid saacado uun kadib markii uu la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More