#Xildhibaan Geesey “Dowladda Farmaajo Dastuurka waa diiday, Diina waa diiday”

6

- Advertisement -

Kadib markii uu shalay wareejiyay xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya oo uu dhawaan iska casilay Xildhibaan C/fitaax Ibraahim Geesay waxa uu durba dhaliil xoogan ujeediyay Dowlada Soomaaliya.

- Advertisement -

Isagoo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta tagey Magaalada Baydhabo ayaa  waxa ay dowladda dhexe ee ku eedeeyeen in ay Mas’uul ka tahay dhibaatadii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Waxa ay sheegeen in doorashadii ka dhacday Baydhabo ay aheyd mid hareermarsan Sharciga, islamarkaana la diiday rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay diiday in ay kala hadasho dhibaatadii Ciidanka  Itoobiya ay ka geysateen Magaalada Baydhabo, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo markii ay wadatashiyo la yeeshaan Shacabka Koonfur Galbeed.

Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada tagay Baydhabo ayaa xusay in dowladda Farmaajo dastuurka dalka ay baalmartay, xataa aysan diin ahaan u fiirin xuquuqda Shacabka Baydhabo lagu xasuuqay, sidu uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Geesey ayaa hora uga tirsanaa Xildhibaanada sida weyn mucaaradka ugu ah Dowlada Soomaaliya waxa uu ka mid ah Xildhibaano dhowr jeer abaabulay Mooshino fashilmay asagoo xiriir dhaw la leh C/raxmaan C/shakuur.

Xilka Wasiirka Howlaha guud ayuu ku helay xiligii la riday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More