Xildhibaan Fiqi oo ka horyimid go’aan uu qaatay taliye Saadaq John

Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka, ayaa ka hadlay go’aankii uu shalay ku hor-istaagay Saadaq John in uu qabsoomo kulankii baarlamaanka ee looga hadlayay doorashada.

Saadaq John, oo ahaa Taliyihii gobolka Benaadir ayaa waxyar kadib xilka laga qaaday markii uu shaaciyey inuusan raali ka aheyn in muddo kororsi loo sameeyo dowladda waqtigeedu dhamaaday, taasi oo laga cabsi qabay inay ku dhaqaaqan mudaneyaasha goluhu.

Fiqi ayaa ugu horeyntii ku bogaadiyey Saadaq go’aanka uu ka qaatay xaalada dalka, isagoona ku tilmaamay mid uu kor ugu qaaday sumcada ciidanka booliska oo muddooyinkii dambe si gaar ah loo adeegsanayey.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamada qaranka Soomaaliya, wuxuuna u xilsaaran yahay ilaalinta nidaamka guud, ka hortagga danbiyada iyo wax Alla iyo wixii keeni kara xasilooni darro nooc kasta oo ay tahay iyo sidoo kale ilaalinta sharciga dalka,” ayuu yiri.

“Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan, waana mid kor u qaadaysa sumcadda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey. Waxaa qormaysa taariikh, ayadoo dano gaar ah la fulinayo ha ka mid noqon kuwa loo adeegsado Dhaqangelinta sharcidarrada.!”.

Saadaq Joon oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu joojiyey kulankii baarlamanka. Intaas kadib Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa waxyar kadib xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Jonh).

Wareegto kasoo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa lagu sheegay in xilka taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Banaadir loo magacaabay Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole), kaas oo loo dalac-siiyey Gaanshaanle Sare.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa xoogan ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasi oo maraya meeshii u sareysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More