#Xildhibaan ayaa xaqiijiyay inuu jiro mooshin ay wadaan xubno ka tirsan Baarlamaanka

1

Mogadishu (AxadleTM)— Waxaa soo xoogeysanaya hadal heynta ku aadan mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo la sheegayo inuu heer gabo gabo ah marayo mooshinkan, lana filayo in la hor-geeyo Baarlamaanka, marka uu furmo kalfadhiga labaad.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi kaafi Maxamed ayaa xaqiijiyay inuu jiro mooshin ay wadaan xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Mr Maxamed Cabdi Kaafi oo wareysi siinayay Idaacada Goobjoog ayaa sheegay in Baarlamaanka aanay xilligan isku raacsaneyn mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Mooshinka dadka sida ay u sheegayaan iyo sida uu yahay waxaan u maleynayaa iney kala duwan tahay, dad Baarlamaanka ka mid ah oo laga yaabo inay isku abaabuleen siyaasad ahaan waa ay jiraan, cid mooshin isku raacsan oo dowladda ka dhan ah oo baaarlamaanka oo dhan ah ma jiro, waxaan kuu sheegayaa annaga inaan diyaar u ahayn inaan qeyb ka noqonno mooshinka laga keeno xukuumadda oo lagu kala diro ama lagu carqaladeeyo howlaheeda”ayuu yiri Xildhibaanka.

Kalfadhiga Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu furmo 8-da bishan July, waxaana socda diyaar garow iyo olole ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Inkastoo ay xilli hore tahay, isla markaana sida dastuurku qabo aan Xukuumadda laga keeni karin mooshin muddo lix bilood, waxaana Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ay iminka jirtaa afar bilood.

Si kastaba ha ahaatee Marka uu furmo kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa laga yaabaa in mowjado siyaasadeed oo aad u xooggan inay ku furmaan Xukuumadda oo xilligan wajaheysa dhaliilo kala duwan.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
xanafi02@gmail.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More