Xijaar oo is-beddel ku sameeyey mid ka mid ah xilalkii ugu m…

Muqdisho (Axadle) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xilkii ka qaaday afhayeenkii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, una magacaabay mid cusub.

Taliye Xijaar ayaa afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed u magacaabay Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka mid ahaa ciidanka Booliska Soomaaliueed.

Gashaanle Cabdifataax Aadan ayaa sidoo kale kamid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, taasi oo uu Taliyaha ugu magacaabay xilkaan cusub.

Afhayeenka cusub ayaa waxa uu bedelayaa Korneyl Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo horay u ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Afhayeenka Ciidanka ayaa inta badan ka warbixiya shaqooyinka booliska, howl-gallada iyo kiisaska xasaasiga ah ee lala wadaagayo bulshada, waana midda uu qaban doono Afhayeenka cusub ee maanta la magacaabay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More