#Xiisadda ka jirta Liibiya: General Haftar wuxuu ciidamaddiisa ku amray in ay qabsadaan caasimadda Liibiya

5,545

Taliyaha guud ee ciidanka milatariga Liibiya Khalifa Haftar ayaa khamiista maanta amray in ciidanka uu hogaamiyo ee ku sugan bariga liibiya in ay galaan magaalada caasimada ah ee Tripoli oo xarun u ah Dowlada qaramada midoobay Taageersan tahay.

Amar ka Jenaraal Khaliifa ayaa waxaa uu keenay cabsi laga qabo in uu isku dhac dhex maro labada ciidan ee siyaasad ahaan isaga soo horjeeda.

Haftar, oo ah madaxa ciidanka qaran ee Liibiya ee loo yaqaan (LNA) ee ku sugan magaalada Benghazi ee bariga liibiya ayaa horay gacanta ugu dhigay magaalada Gharyan, oo 100 kiilo mitir kaga beegan dhanka koonfureed caasimada Tripoli.

Dalka liibiya ayaa mudo sanado ah waxaa uu la daalaa dhacaa falal amni daro iyo maleeshiyaad isku heesta maamulka dalkaan ku yaal waqooyiga Afrika.

Cod la soo dhigay barta Facebook-ga ee LNA ayaa cod uu soo duubay Haftar waxaa uu ku amray ciidanka in ay galaan magaalada Tripoli.

Waxaa uu dhahay waxaan aadeynaa caasimada si nabad ah ayaan ku galeynaa ciidankeyga waxaa idinka codsanaa in aadan dilin rayidka iyo dadka aan hubeysneyn.

Haftar ayaa ugu danbeyn sheegay in ay ciidanka ay xaq u leeyihiin la dagaalanka cid kasta oo awood uga hor timaada.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More