Xeeladda ay Itoobiya u mareyso “qabsashada” dekadaha Soomaaliya

12,447,721

NARIOBI, Kenya – Dowladda Itoobiya ayaa waxay dooneysaa in ay Soomaaliya ka hesho dekado ay iyaddu maamusho, sidda lagu daabacay bogga Daily Nation.

- Advertisement -

Sidda laga soo xigtay maqaalka, xukuumadda Addis Ababa ayaa u mareysa helitaanka dekadaha wada xaajood ay la gasho hogaamiyeyaasha maamuladda.

Ujeedka ay u dooneyso marsooyinkaas oo tiradoodu tahay afar ayaa waxa uu ku sheegay “si ay ugu faa’iideysato danaheeda qaaska ah”.

“Itoobiya waxaa la sheegayaa in baahiyaheeda ay ku badaleyso mashariicyo horumarineed waxay maamulka dekadaha kala hadleysaa dowladda federaalka”.

Bishii June ee 2018-kii, Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay, ayaa is-afgarad arrintaan ku saabsan la galay Farmaajo.

Madaxwayne Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale qalinka ku duugay in Soomaaliya ay qayb ka noqoto Iskaashiga Saddex Geesoodka ee Abiy.

Iskaashigaasi ayaa wuxuu ka dhaxeeyaa Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, waxaase ka maqan Kenya iyo Jabuuti, oo Abiy si gaar ah ula kulmay.

Baadigoobka Abiy ee dekadaha Soomaaliya oo hadda xoogeystay ayaa kusoo aadaya xili gobolku ka socda loolan joquraafiyadeed oo dalalka Khaliijka ah.

Loolankaas oo ku saabsan dhanka dekadaha iyo jiqraafiyadda ayaa laga cabsi qabaa in uu saameeyo Soomaaliya oo ku taala marin muhiim ah dhanka aduunka.

“Tani waxay xoojineysaa is-kooxeysiga ka socda gobolka,” ayuu raaciyey qoraaga warbixinta oo ku daray. “Soomaaliya iyo Kenya waa in ay wada hadlaan”.

Dowladdahan ayaa waxaa dhextaala dacwad dhanka badda oo ku saabsan goob xadka ku taala oo hodan ku ah kheyraad xukmin doonatana maxkamadda ICJ.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa dhowaan ku dhawaaqday in ay sameyneyso ciidamo badeed, taas oo la rumeysan in ay qayb ka tahay qorshaha marsooyinka.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More