Xasan Sheekh oo ka Dakhli batay Obama, Cameron iyo Harper

1

- Advertisement -

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay miisaaniyad sanadeed uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Xassan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Dakhliga Bishii ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qoondeysay Dowladda Soomaaliya ayaa ah $40,000 oo Doollarka Mareykanka ah Bishiiba.

 

Sanadkii waxaa ay noqoneysaa $480,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu ka badan yahay kuna laba jibaarmaa Madaxda sare ku xusan.

Obama Madaxweynihii hore ee Mareykanka

Obama waxaa uu Sanadkiiba howlgabnimadiisa ku qaataa $200,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu xilka ka degay biloowgii Sanadkan.

 

Cameron Raysal Wasaarihii hore ee UK

Halka Ra’isalwasaarihii hore ee UK, David Cameroon miisaaniyaddiisa sanadlaha ah ee ay dowladda siiso dhan tahay $149,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

 

Raysal Wasaarihii hore ee Canada

sidoo kale Dakhliga Ra’islawasaarihii hore ee Canada Stephen Harper,ayaa waxaa ay dhan tahay $105,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

 

Sideed u aragtaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Dakhliga uu ka helo dowladda ka badan yahay kan Madaxweyne Obama iyo Ra’isalwasaare Cameron ka qaataan dowladahooda?

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More