#Xasan Sheekh, CC Warsame iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo kulan xasaasi ah Muqdihso ku yeeshay

3

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta orax dhicii hoygiisa magaalada Muqdisho kula kulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa ayna ka wada hadleyn arrimo ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalku ku jiro.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dowladda Soomaaliya aad u dhaliila ayaa kullanka uu la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ku micneeyay mid muhiim ah oo siyaasada dalka looga hadlayey.

Waxaa kale oo kullankaasi xaadir ahaa Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo isna hogaamiya xisbi kale oo siyaasi.

“Waxaan galabta kulan yeelanay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hogaamiyaha Xisbiga UPD, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble Hogaamiyaha Xibsiga Ilays. Waxaan kulanka oo saacado qaatay iska warsanay xaalada amni iyo tan siyaasadeed ee dalka. Waxaan hoosta ka wada xariiqnay in aan si Wadajir ah danta guud uga wada shaqayno, kulamo joogta iyo talo balaarina aan samayno.”ayuu bartiisa Facebook kusoo baahiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo  kale Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray “Galabta, waxaa hoygeyga igu soo booqday hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Wadajir iyo Ilays, Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali Waxaan kawada hadalnay hirgelinta nidaamka xisbiyadda iyo xaaladda guud ee dalka.”

Saddexdan mas’uul ayaa kala hoggaamiya saddex xisbi oo la filayo inay ka mid noqdaan kuwa ugu miisaanka culus ee doorashada Soomaaliya ka dhaceysa sanadda 2021.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinka ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay.

Seddexda hoggaamiye ayaa isku raacay in ay si buuxda oo wadajir u wada shaqeeyaan, islamarkaana yeeshaan kulamo joogta oo wax looga qabanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa si weyn uga soo horjeeday Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh, waxaase la rumeysanyahay in ay isku keentay hal dan oo ah sidii ay u mideyn lahayeen Mucaaradada ay ku ahaan Dowlada dalka ka arimisa.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More