Xarunta Warbaahinta Afka Al-Shabaab oo La Duqeeyey

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ka geysteen deegaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Milatariga ayaa Axadle u sheegay in weerarka uu ka dhacay dhisme ay degenaayeen Idaacadda Andalus, isla markaana dhowr qarax laga maqlay xarunta, sida ay sheegeen ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan Axadle.

Duqeyntan ayaa dhacday waxyar kadib duhurkii afaafka hore ee saldhiga, sida ay saraakiishu sheegeen, wallow uusan jirin war deg deg ah oo kasoo baxay Taliska AFRICOM iyo dowladda Federaalka oo gacan ka siinaya howlgalka.

Dhinaca kale war lagu daabacay idaacadda Alfurqaan ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu xalay duqeeyey idaacadda oo ku taal deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Sh / hoose.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in wax khasaaro ah uusan jirin, laakiin qalabkii idaacadda uu burbur xoogan soo gaaray.

Mileteriga Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa dhowr jeer duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka, halkaasoo lagu dilay saraakiil badan oo ka tirsan Al Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More